(Tel Aviv) 15 Jan 2019 – Abaanduulaha xilka ka degaya ee ciidamada Xoogga Yuhuudda ee IDF ayaa daadiyey sirta ciidamada dalkaasi ee awalba iska fashilnayd, marka la eego hubaynta qolooyinka la dagaallamaya madaxwaynaha Suuriya ee Bashar Assad, taasoo uu ku tilmaamay “is difaac.”
Gadi Eisenkot, oo soo ahaa abaanduulaha ciidamada Xoogga 3-dii sano ee ugu dambeeyay, ayaa u sheegay warqaadka Sunday Times oo ka qaaday waraysi maca salaamayn ah in Yuhuuddu ay si toos ah ugu lug leedahay dagaalka Suuriya, oo ay jabhado ku hubaynayeen, taasoo ah arrin ay Tel Aviv ka caga jiidaysey qirashadeeda.
Majaladda Foreign Policy ayaa bishii Sebtembar qortay in Israel ay hub iyo lacag siisay ugu yaraan 12 kooxood oo ka dagaallamayay koonfurta Suuriya, waxaa dheer inay jabhadahaa oo ay ku jiraan kuwo Al Qaacida ka tirsan ay bishii mushahar ahaan u siinayeen $75 doollar qofkiib, halka hub fara badan looga soo iibinayay suuqa madoow.

Hadalsame Media