TOOS u daawo: Booliiska gaarka ah oo goobta soo gaarey & xaaladda oo cakiran – LIVE

0

(Nairobi) 15 Jan 2019 – Jugta qarax wayn oo mataano ahaa iyo rasaas weli socota ayaa laga maqlayaa jidka 14-aad ee Riverside, Westlands, sida ay sheegtay jariidadda Star.

“Waa dhismaha Dusit D2 Hotel iyo Guddiga Qoondada Dakhliga halka ay wax ka dheceenan,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha.

Waxaa durba goobta yimid ciidamada booliiska oo gawaarida iyo socota lugta ku wargelinaya in ay jidkaa ka weecdaan. Weli makala cadda waxyeellada goobta ka dhacay iyo wacaalka gudaha.

Kooxda Al Shabaab ayaa war ay Twitter-ka soo dhigtay ku sheegatay inay ka dambayso weerarka, waxaana gudaha dhismaha ku jira dagaallamayaal la rumaysan yahay inay dad ku haystaan.

Waloow aysan weli taa xaqiijin warbaahinta iyo hay’aadka amniga oo aan weli magac u bixin nooca weerarka iyo cidda ka dambaysa.Ciidamada amaanka ee gaarka ah oo goobta yimid ayaan ilaa iminka wax tillaabo ah qaadin iyagoo goobta gaaf wareegaya.

”Afar nin oo hubeysan ayaa gudaha u gashay Hotelka DusitD2 oo ku yaalla wadada 14 River Side. Hotelka la weeraray ayaa ku yaalla meel u dhow dhismaha safaaradda Australia ay ka degantahay Nairobi,wuxuuna leeyahay xafiisyo waaweyn. Weerarkan ayaa u muuqda kii hadda ka hor lagu qaaday Mall-ka weyn ee Westgate.” – ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray weriye Cumar Caaqil oo ku sugan Nairobi.

Booliiska ayaa la sheegay inay hal qof u qabteen dhacdadan iyagoo ku ritey gaari ay wateen oo goobta ku sugnaa, balse wax tafaasiil ah kama bixin.

Halkan hoose toos uga daawo…

Hadalsame Media