MURSAL:-“Baarlamaanku uma dhisna duminta iyo is hortaaga howlaha geedi-socodka dowladnimada Soomaaliya.”

0

(Muqdisho) 15 Jan 2019 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay xiritaanka Kalfaggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa ka dhawaajiyay in Baarlamaanku uusan u dhisneyn inuu isbaaro u dhigto howlaha xukuumadda.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in Golaha Shacabku yahay hay’ad u taagan oo kaliya dajinta sharciyada iyo la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliyeed.

Kalfadhiga soo socda ayaa guddoomiye Mursal waxaa uu sheegay in ay xooga saari doonaan la xisaabtanka xukuumadda iyo sidoo kale meelmarinta Sharciyadda doorashooyinka Qaranka oo muhiim u ah dalka.

Hadalsame Media