(Nairobi) 15 Jan 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya oo ay ka dhaceen weeraro qaraxyo ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug ee Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ka badbaaday weerarkaas.
Wafdi uu hoggaaminayo Xaaf ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen xiliga weerarka Hotelka la beegsday ee qaraxyadu ka dhaceen .
Xaaf ayaa la sheegay in wax laga xumaado uu ku tilmaamay weerarkii ka dhacay Hotel Dusit ee Magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay hotelka uu weerarku ka dhacay uu xiligaasi shir kula la lahaa madax ka tirsan Hay’adda SSF oo ay ka wada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa deegaanada maamulka Galmudug.
Qaraxyada ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab waxaana la sheegay in wali xaaladu cakiran tahay.
Hadalsame Media