Isagoon haysan Shahaadada Dugsiga Sare ayuu noqday Wasiir dowladeed!! Ma ahan SHEEKO aad la yaabi doonto

0

(Jubba) 15 Jan 2019Abraham Majak Makur waa Wasiir ka tirsan Golaha Xukuumadda Koonfurta Suudaan oo ah dalka ugu yar cimri ahaan wadamada qaarada Afrika, waxaana uu jiraa 44 sanno. Abraham Majak Makur ayaa hadda isku diyaarinaya inuu ka dhabeeyo himiladiisa hanashada shahaadada Iskuulka Sare. Waxaa uu ka mid yahay kumanaan arday ah oo sugaysa shahaadada South Sudan Secondary School Certificate (SSSCE).

Abraham Majak Makur ayaa hadda ah wasiirka waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha waxaana maalinimadii shalay oo Isniin ahayd uu u fadhiistay imtixaanka Dugsiga Sare isagoo rajaynaya inuu ka qalin jabiyo Iskuulka Paanker Secondary School.

Wargayska HIJ ee dalkaasi ka soo baxa ayaa sheegay in qof ka mid ah qaraabada Wasiir Abraham Majak Makur uu u sheegay inuu ka dhacay Iskuulka sanadkii 1980.

Waxaa laakin taasi aysan ka horjoogsan inuu boosas muhiim ah iyo xilal sare uu ka qabto wadankiisa Koonfurta Suudaan. Xitaa mar ayuu soo noqday Agaasimihii qorsheynta iyo Maaliyadda ee wasaaradda Maaliyadda dalkaasi. Ma lahan wax tacliin sare ah!

Hadalsame Media