Baarlamaanka oo meel mariyay sharci muhiim u ah hanaanka isla xisaabtanka (Akhriso)

0

(Muqdisho) 14 Jan 2019 – Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga wax ka bedelka hanaanka Hanti dhowrka qaranka, kadib hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka oo dhowaan la horgeeyay Baarlamaanka.

163-xildhibaan ayaa si rasmi ah u ogolaatay wax ka bedelka Hindise sharciyeedkan oo ay horey u soo gudbiyeen Golaha xukuumadda. Waxaa la sheegayaa inay diideen 13 xildhibaan mana jiraan wax ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaana ugu dambeyntii sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Hadalsame Media