Ruushka oo soo wada xeer cusub oo fasaxaya in lasoo ridi karo dayuuradaha rakaabka ah (Sababta & xaaladda)

0

(Moscow) 13 Jan 2019 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay inay soo ridi doonto dayuuraddii kusoo xad gudubta hawadooda ee weliba sababi karta geerida dad badan ama burbur hantiyeed, kuwaasoo ay xitaa ku jiraan dayuuradaha afduuban.

Wareegto qabyo ah oo la sheegay inay kasoo socoto dowladda Ruushka gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bedeli doonta xeerarkii caadiga ahaa ee faltanka (rules of engagement), kuwaasoo markii ugu dambaysey dib u eegis lagu sameeyay 1994-kii.

Xeerkii hore ayaa si qayaxan u dhigaya in aan la taaban karin dayuuradaha sida rakaabka rayidka ah iyo kuwa afduuban, xitaa haddii ay iska soo galaan hawada dalka rukhsad la’aan.

Yeelkeede, dokumentiga cusub oo iminka maraya marxalad ay dadku todobaadkan kaga falcelinayaan qaab afti dadban ah, ayaa xeerkaa fasaqaya waxaana ku qoran in lasoo ridi karo dayuuradaha loo arko inay sababi karaan geeri fara badan oo dhulka ah, halis dhanka degaanka ah ama xitaa burbur hantiyeed.

Xeer bedelkan, ayaa si kastaba, waxaa lagu sheegay mid farsamo uun maadaama horayba loo ansixiyay xeerka lidka argagixisada oo fasaxaya tillaabo millateri haddii ay dhacaan kiisas afduub dayuuradeed, waana cashar la sheegay in laga bartay midkii Sebtembar 2001-dii oo dayuurado rakaab ahaa la sheegay in sidii hub loo adeegsadey iyadoo lala eegtay bartilmaameedyo qiime sare leh.

Hadalsame Media