Ka bogo sababta ay Real Madrid mar qura uga dhaqaajiyeen Zidane & Ronaldo

0

(Madrid) 13 Jan 2019 – Zinedine Zidane ayaa la sheegay inuu ka tegey Real Madrid kaddib markii laga diidey in la fasoxo Gareth Bale beddelka Cristiano Ronaldo, sida uu “kashifay” Ramon Calderon.

Go’aanka tegista Zidane kaddib 3 sanadood oo xiriir ah oo uu hantay Koobka Horyaallada Yurub ayaa dad badan ku noqday af kala qaad.

Waxaa jugtu xanuun dheeraad ah iyo xanfaf keentay markii uu isla xagaagaa kooxda ka tegey xirfad-yahankii ugu adkaa ee Ronaldo oo €100m oo euro ugu wareegey Juventus waxaana iminka soo daahirtay in ay labada xaaladood isku xirnaayeen.

“Zidane wuxuu ku dhegganaa in la daayo Cristiano balse la diro Bale,” ayuu yiri madaxii hore ee Real, Calderon oo u warramaya AS.

“Taa biddaalkeeda, Perez wuu ka horjeestey. Zidane se wuxuu doonayay inuu go’aan ku yeesho maaraynta arrimaha kooxda ee dhanka isboortiga iyo suuqa, balse soo jeedintiisii waa la iska indha tiray, marka isna wuu dhaqaajiyey.

“Zidane wuxuu qaatay go’aankii saxda ahaa.” ayuu ku dooday Calderon.

Hadalsame Media