Gattuso oo xaqiijiyey in Higuain ku biirayo kooxda Chelsea + Sawirro

0

(Genoa) 12 Jan 2019 – Gennaro Gattuso ayaa xaqiijiyay in Gonzalo Higuain uu ka socdo kooxda AC Milan oo uu aadayo Chelsea, isagoo hadlayay ciyaartii ay 2-0 ugasoo badiyeen Sampdoria oo uu labada goolba u dhaliyey muluqa Patrick Cutrone oo laba raacis saxiixay.

“Waxaan leenahay xiriir daacad ah oo runta ayaan wejiga iska saarnaa. Marka uu laacib go’aan gaaro, way adkaanaysaa in wax kale laga dhaadhiciyo, waa uun lagu daalayaa.

“Ma garan waxa uusan Higuain ku faraxsanayn, waayo marka aan ku arko qolka lebiska wuxuu u muuqdaa nin faraxsan. Haddii ay aniga ii taallo, gurgayga ayaan gayn lahaa oo cashadayda ayaan siin lahaa” ayuu yiri Gattuso.

Waxaa laacibkan aad u danaynaya macallinkiisii hore oo haatan layliya kooxda Chelsea, waana kooxda la aaminsan yahay inuu u soco.

Hadalsame Media