Safaaradda Somalia ee Qadar oo ka digtey arrin lacago lagaaga lunsan karo

0

(Dooxa) 11 Jan 2019 – Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ayaa Soomaalida waxaa ay u digaysaa dad maalmahaan la sheegay inay baraha bulshada soo dhigayeen in ay fiisooyin iqaamadaysan iyo shaqooyin u hayaan dadka danaynaya shaqo u aadista Wadankaasi Qadar.

”Kaddib markii ay warqadani soo baxday waxaan si toos ah ula xiriira Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Doha, Ambassador C/risaaq Taano, waxaana uu ii xaqiijiyay rasmi ahaanshiyaha warqadaan, isagoo waliba ii fasaxay in aan warbaahinta ku baahiyo.” ayuu bartiisa kusoo qoray weriye Xasan Cadde.

Safaaradda Somalia ee Qadar ayaa intaa ku dartay inay arrintan u gudbiyeen waaxaha amaanka ku shaqada leh, maadaama dadka faafinaya ogaysiiskan beenta ah ee  ay dad badan lacagaha kaga lunsan karaan ay ku sugan yihiin gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Hadalsame Media