Dalalka adduunka ugu baasaboorka adag oo la shaaciyay + Sawirro (Halkee ku jirtaa Somalia?)

0

(Hadalsame) 10 Jan 2019 – Dadka Japanese-ka ah ayaa iminka haysta baasaboorka ugu xooggan caalamka, kaasoo ay fiise la’aan ku tegi karaan 190 dal oo caalamka ah.

Waxaa soo raaca oo kaalinta 2-aad ku wada jira dalalka Singapore iyo South Korea, kuwaasoo ugu safri kara 189 dal iyadoo aanay cidina joojin, sida ay faafisay 2019 Henley Passport Index.

Germany iyo France ayaa 3-aad ku wada jira, iyagoo tegi kara 188 dal, halka 4-aad ay ku jiraan dalalka Denmark, Finland, Italy, iyo Sweden, halka Spain iyo Luxembourg ay 5-aad xirteen.

Maraykanka iyo Britain ayaa aad hoos ugu dhacay waxayna galeen kaalinta 6-aad, iyagoo tegi kara 185 dal si fiise la’aan ah, iyadoo tusaale ahaan 2015 uu Maraykanku 1-aad ku jirey.

Dalkeenna Somalia ayaa kaalinta 2-aad uga jira dalalka ugu baasaboorka xun dunida, balse taa lafteedu waa horukac marka laga tiriyo inayba jirtey waqti uusan lahayn baasaboor la aqoonsan yahay.

Baasaboorradda ugu xooggan caalamka

1. Japan

2. Singapore

2. South Korea

3. France

3. Germany

4. Finland

4. Denmark

4. Italy

4. Sweden

5. Luxembourg

5. Spain

Baasaboorradda ugu daciifsan caalamka

1. Iraq

1. Afghanistan

2. Syria

2. Somalia

3. Pakistan

4. Yemen

5. Eritrea

Hadalsame Media