DAAWO: Barnaamij caan ah oo DF aad ugu amaanay go’aankii CAYRINTA Nicholas Haysom (Sababta)

0
(Nairobi) 10 Jan 2019 – Dr. Mumbi Seraki oo ah aqoonyahanad burwaaji ah oo u ololeeysa guud ahaan sidii loo hagaajin lahaa xaaladda qaaradda Afrika ayaa barnaamijkeeda todobaadkan kusoo qaadatay cayrintii Nicholas Haysom ee dowladda Somalia u jartay PNG, taasoo la yaab ku noqotay dalal badan oo Afrika iyo Aasiya ah.
Dr Seraki oo PhD ka haysata Jaamacadda Nairobi ayaa aad u falanqaysay sida ay ugu riyaaqsan tahay cayrinta ergaygan iyadoo dhaliilsan aqoon wanaagsanna u leh sida ay u shaqayso QM oo ay 7 sano ka howlgalaysey.

Waxay tusaale usoo qaadatay in Xoghayaha Guud ee QM uu laba jeer wacay madaxwaynaha Somalia balse uu ku qancin waayay inuu ergaygan aqbalo, si ka duwan Nigeria oo hadda ka hor cayrisey ergay hoose oo ka socda UNICEF bals dib u aqbashay kaddib markii telefoon loosoo diray.

Dr Seraki ayaa barnaamijkeeda ”Wake Up Africa iyo Let us Talk Africa” sidoo kale ku jeexjeexday wax ay ku sheegtay in ay basaas u yihiin reer Galbeedka ciddii ay u doodaan, waxay kalo xustay in Shiinuhu uu Somalia ka xigsadey dalalka ku jira Golaha Amaanka oo doonayey inay Somalia tillaabo ka qaadaan, isagoo taageeray in ergaygaasi la bedelo.

Waxay kaloo sheegtay, waxa keenay in ay dalal gaar ihi ay bixiyaan mushaharka ciidamada maxalliga ah ee gobol ka tirsan dal kale sida KG Somalia iyo danta arrintaasi ka hooseeysa, iyo sababta ay ilaa heerkan ula duubteen Mukhtaar Rooboow oo aan weli raalli gelin ka bixin dembiyada lagu eedaynayo.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media