(Muqdisho) 09 Jan 2019 – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddi hoosaaska golaha wasiirrada ee tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay qorshaha tubta ee sannadka 2019.
Kulanka oo qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayay afarta tubood ee lagu jaan joogay shaqo maalmeedka dawladda ayaa ujeedadiisa ugu wayn waxa ay ahayd in la isla garto shaqooyinka u yaalla tubta kuwa ugu mudnaanta badan ee la doonayo in sannadkaan gudihiisa lagu fuliyo.
Shirkaan ayaa labo maalmood kahor ka furmay Magalada Muqdisho waxaana Ra’iisul wasaara Soomaaliya uu sidaan oo kale uu guddoomiyay kulanka tubta amniga iyo caddaalada. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee sanadkan 2019.
Hadalsame Media