(Garowe) 09 Jan 2019 – Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo shalay la doortay ayaa kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay laamaha amniga maamul goboleedka Puntland.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay taliyayaasha iyo saraakiisha ciidamada amniga Puntland sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday xaafiiska Madaxwaynaha cusub.
Mr. Dani ayaa saraakiisha kala hadlay xoojinta amniga deegaanada maamulka Puntland inta lagu jiro xaaladan kala guurka ah.
Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in lagu caleema saaro Magaalada Garowe halkaasi oo ay ku sugan yihiin wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya. Kadib marka la caleema saaro ayaa la filayaa in Madaxwaynaha cusub ee Puntland uu dhiso golaha xukuumada maamulkiisa.
Hadalsame Media