Duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab (Faahfaahin)

0

(Chad) 09 Jan 2019 – War ka soo baxay taliska Maraykanka ee Africom ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan kooxda Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn xagga cirka ah,oo lagu beegsanayay Al-shabaab lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxdaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka howlgalkan ku tilmaamtay mid loogaga hortagayaya Alshabaab kuwaas oo qorsheynayay in ay soo maleegaan falal argagixisanimo ah,iyo cabsi gelinta bulshada deegaanka.

Hadalsame Media