(Garowe) 07 Jan 2019 – Musharaxiinta xilka hoggaanka Puntland ayaa billaabay khudbadahooda ay ka horjeedinayaan golaha wakiillada Puntland sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Garowe.
Guddiga doorashada ayaa maalintii shalay qabtay araajida 21 musharax oo u taagan qabashada xilka hoggaanka sare ee Puntland.
08 bishan Janaayo oo ku beegan berrito ayaa lagu wadaa in Garoowe ay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Hadalsame Media