DAAWO: Lucas Paqueta oo tababarkiisii ugu horreeyay la bilaabay AC Milan farriina u diray taageerayaasha + Sawirro

0

(Milano) 07 Jan 2019 – Lucas Paqueta ayaa muujiyey damaciisa ku aaddan sida uu u doonayo inuu qayb ka noqdo ‘qorshaha dib loogu soo celinayo Milan mustawihii ay joogi jirtey si ay koobab waawayn ugu tartanto mar kale’.

Paqueta ayaa taageerayaasha Milan isku baray farriin muuqaal oo uu soo dhigay qaybta afka Portuguese-ka ah ee webka iyo Twitter-ka rasmiga ah oo bilowgiisa lagu beegay isla markii uu €45m uga yimid kooxda Flamengo.


“Hello taageerayaasha oo dhan, waxaan ahay Lucas Paqueta waxaan ka dheelaa khadka dhexe. Waxaan halkan u joogaa inaan Milan ka caawiyo kusoo noqoshada jidkii guulaha oo aan markale koobab waawayn hananno si aan idiinkaga farxiyo,” ayuu yiri.

“Hab iyo Forza Milan!”

Hadalsame Media