(Riyaad) 06 Jan 2019 – Sucuudiga ayaa dhaqan geliyey xeer cusub oo ay maxkamaduhu haweenka la furay u dirayaan farriin telefoon oo u sheegaysa in la furay. Waxaa la sheegay in xeerkani la dagaallamayo mid kasii horreeyay oo haweenayda lagu furi jirey “dalaaqo sir ah”.
Ka hor xeerkan, ragga Sucuudiga ihi waxay haweenayda furi jireen iyaga oo aan xitaa u sheegin haweenayda ay khuseeyso, sida warbixintan ku cad.
Yeelkeede, wixii maanta oo Axad ah ka bilowda, waxaa maxkamahada madaniga ihi haweenayda la furay u diri doonaan farriin ku wargelinaysa in uu guurkii dhamaaday.
Xeerkan, oo u eg mid ay hindiseen 12-jirro una muuqda ka daroo dibi dhan, ayaa laye looga gol leeyahay in haweenayda loo sheego in la furay si bay yiraahdeen ay u doonato wixii xuquuq ah ee ay ninka ku leedahay furriinka kaddib.
Hadalsame Media