Weriye Raage Oomaar oo Twitter-ka looga jeexjeexay kaddib war uu ka yiri Cayrinta ergaygii QM ee Haysom (Akhri jawaabaha)

0

(London) 06 Jan 2019 – Weriyaha Soomaaliyeed ee Raage Oomaar ayaa jawaab ka bixiyay cayrintii Somalia looga saaray Nicholas Haysom, Oomaar ayaa war uu Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in la ”bahdiley” Xoghayaha Guud ee Antonio Guterres iy guud ahaanba QM.

Yeelkeede, dad badan oo qiimaynta Oomaar u arkay mid uu baal marsan xaqiiqda kiiska ayaa farriintiisa ka af celiyey, iyagoo u sheegaya in ergay la eryaa aysan ka dhignayn ”bahdil” ku dhacay QM iyo xitaa ”guul” gaar ah oo ay gaartey Villa Somalia sida uu u dhigay.

Raage ayaa soo qoray sidatan: ”Guul wayn ayay u tahay @TheVillaSomalia oo bahdishey @antonioguterres & @UN. Dowladda Somalia waxay cayrisey wakiilkii QM @NicholasHaysom. QM waxay leedahay tan lama ogola misna way isku noqotay oo waxay sheeegtay in ay bedeli doonto.

Markii ay halkaa taagnayd baa waxaa Raage usoo jawaabey Soomaali fara badan oo warkiisan u arkayay mid isku dhufanaya QM iyo Somalia, iyo mid yara inkirsan metelaadda DF, maadaama uu adeegsadey magaca Villa Somalia ee aanu oran Somalia.

Oomaar ayaa xilliyadii dambe caddaysanayay inuu siyaasad ahaan u janjeero dhanka maamulka gooni u goosad doonka ah ee Somaliland. Hoos ka akhri jawaabaha.