Wafdi ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo loo diiday inay yimaadaan Magaalada Garowe (Faahfaahin)

0

(Garowe) 06 Jan 2019 – Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa maanta loo diiday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo la hadlay Hadalsame.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ka tirsan dowladda dhexe ay illaa saaka ku xayirnaayeen garoonka Magaalada Muqdisho waxaana muuqda inaysan guulaysan dadaalo ay wadeen masuuliyiin ka tirsan madaxdii hore ee Puntland iyo Isimo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Wafdigaan waxaa ku jira wasiiro ka tirsan xuumadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada maamulka Puntland.

Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa la sheegay in diyaaradii qaadi lahayd wafdigaan ay u diiday fasax waxaana tani ay dambeysay kadib markii madaxtooyada Puntland dhawaan sheegtay in masuuliyiinta dowladda dhexe aysan imaan karin Garowe inta ay socoto doorashada maamulkaasi.

Go’aankaas waxaa aad u qaadacay isimada dhaqanka ee Puntland inkastoo saraakiisha amniga ee Puntland oo ka amar qaadanaya Madaxwayne Gaas ay ka soo horjeesteen hadalka Isimada Puntland.

Hadalsame Media