(Garoowe) 06 Jan 2019 – Warar dhowaantan soo gaarey warqabadka Hadalsame oo sheegayay in Guddiga Doorashooyinka Madaxtinnimada Puntland ay inuu tartamo uga hor istaagayaan Md Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa gebi ahaanba beenoowdey.
Warkan oo uu tayo ahaan iyo nuxur ahaanba horay u duray hilin-wareedka Hadalsame ayaa sheegayay in Asad Cusmaan Diyaano oo horay u ahaan jirey Agaasimaha Hay’adda PSF Puntland ayaa lagu yiri sidatan aanu tartami karin xeerka oo u diidaya dartii wuxuuna u dhignaa sidatan:
”Waxaa laga codsanayaa Asad Cusmaan Cabdullaahi inuu u hoggaansamo Dastuurka Puntland isagoo dhowraya sharciga, gaar ahaan qodobka 45-aad fakhraddiisa 1-aad, iyo qodobka 48-aad fakhraddiisa B.”
Yeelkeede, haatan kaddib markii aannu xiriirro kala geddisan la yeelanay dhanka Puntland waxaa noo caddaatay inay warqaddani been abuur tahay. Halkan ka akhri qoraalkii hore…

Hadalsame Media