Howlgallo baaritaano ah oo ka socda Afgooye (Faahfaahin)

0

(Afgooye) 06 2019 – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay saakay ka socdaan Howlgallo ay ciidamada dowladda Somaaliya ku baarayaan xaafadaha degmadaasi.

Howlgaladaan ayaa la sheegay in Guri Guri ay ku baarayaan ciidamada amaanka waxaana tani ay ka dambeysay kadib markii ay soo laab laabteen dilalka qorsheysan ee ka dhaca Afgooye.

Ururada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa la aamisan yahay inay ku lug leeyihiin amni darrada degmada Afgooye sida ay sheegeen saraakiil u hadashay laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media