DAAWO: ”Gaas hallaga reebo tartanka madaxtinnimada Putland!” – Xubno ka tirsan garsoorka oo dacwad gudbiyey

0

(Garoowe) 06 Jan 2019 – Sida aannu ka heleeyno magaalada Garoowe ee Caasimad Goboleedka Puntland, xubno ka tirsan Gudigga Garsoorka Puntland ayaa ku baaqay in Madaxweyne Gaas laga reebo tartanka Madaxweynenimada Puntland.

Xubnahan oo kala socda dhowr degmo oo Puntland ah, ayaa waxay Gaas ku eedaynayaan in uu xaqoodii cunay oo aanu wax mushaharooyin ah siinin, waxayna sheegeen in ay ka gudbiyeen ashtako iyo dacwad ka dhan ah.

Xubnahan ayaa ugu danbayn waxay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha dowladda dhexe ee Somalia inay xaqooda uga qaadaan Madaxweynaha xilku kasii dhamaanayo.

Hadalsame Media