(New York) 06 2019 – Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’aanka Soomaaliya ku ceyrisay Ergaygii UN-Ka Nikolas Haysom hase ahaatee waxaa Golahu sheegay inay filayaan wadashaqeyn buuxda oo dhexmarta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Golaha amaanka ayaa siidaayay warbixin uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya kadib markii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu aqbalay inuu Ergay cusub u magacaabo Soomaaliya, kadib markii Nikolas Haysom loo sheegay inaan Soomaaliya laga rabin.
Dowladda Ingiriiska oo xubin ka ah Golaha Amaanka ayaa aad uga murgootay go’aanka Soomaaliya ku ceyrisay Nikolas Haysom waxayna taageero buuxda u muujisay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Waxaan adkaynaynaa wadashaqayn buuxda oo dhexmarta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri warbixinta Golaha.
Golaha amaanka ayaa yeeshay kulan albaabadu ku xiran yihiin si uu kaga doodo go’aanka Soomaaliya ka qaadatay Nikolas Haysom waxaana sidoo kale dowladda Shiinaha oo kulanka qayb ka ahayd ay aad u difaacday madaxbanaanida Soomaaliya.
Shiinaha ayaa soo jeediyay in isbedel lagu sameeyo habka loola dhaqmayo Soomaaliya islamarkaana ay muqadas tahay madaxbanaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada dalka Soomaaliya.
Golaha amaanka ayaa ugu dambeyntii sheegay in sanadkan 2019 uu muhiim u yahay geedi-socodka dowladnimada Soomaaliya islamarkaana looga baahan yahay dhinacyada hoggaamiyaasha Soomaaliyeed inay si wadajir ah u shaqeeyaan.
Nikolas Haysom oo ahaa Wakiilkii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay ayaa loo sheegay in Somaaliya aan laga rabin kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay inuu faragaliyay arrimaha gudaha dalka, waxaana uu eersaday kadib markii uu war ka keenay sababta loo xiray Mukhtaar Roobow oo mar soo noqday hoggaamiyihii labaad ee Kooxda Al-Shabaab.
Hadalsame Media