DAAWO: Xil. Odawaa oo DF ku eedeeyay inay ”JALIYEEN” maamulka Galmudug

0

(Muqdisho) 06 Jan 2019 – Xildhibaanka Cabdiraxmaan Odowaa oo kasoo noqday booqasho gaar ahayd oo uu ku tegey magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay inay jalineeyso maamulka Galmudug.

“Dowlada Federalka bilihii lasoo dhaafay Galmudug waxa ay ka goosatay Miisaaniyadii loogu talagalay, waxayna sidoo kale xannibtay Mashaariicdii Horumarineed ee Galmudug loogu talagalay” ayuu ku dooday xildhibaanku.

Md Odawaa oo ka mid ah xildhibaannada ugu firfircoon guud ahaanba xildhibaannada lagasoo doorto degaannada haatan la siiyay magaca Galmudug oo qaar badan oo ka tirsani ku jiraan gacmaha Al Shabaab, ayaa dowladda dhexe usoo jeediyay inay kala saarto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha dadka shacabka ah.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu ka mid yahay maamullo 5 ahaa oo horraantii Sebtembar ee sanadkii hore sheegay inay xiriirkii u jareen DF, kuwaasoo ay markii dambe kasoo go’een Hirshabeelle iyo KG Somalia.

Maamullada ayaa inta badan dowladda eedeeya, balse waxaa jira dad maamullada ku eedeeya inay ka madax taagayaan go’aamada dowladda iyo inay xitaa si saaxi ah degaannadooda uga shaqeeyso ama xitaa howleheeda qabsato sida arrimaha dibedda, iyadoo aanu ilaa haatan jirin maamul canshuur siiya DF marka laga reebo Gobolka Banaadir oo ay saldhigato dowladda dhexe.

Halkan hoose ka daawo…

Muuqaalka waxaa qabtay: Dalsan TV

Hadalsame Media