(Riyaad) 06 Jan 2019 – Magaalada Dahraan oo ah caasimadda Gobolka Sharqiya ee dalwaynaha Sucuudiga Carbeed ayaa waxay iminka ka mid tahay magaalooyinka ugu casrisan uguna camiran Khaliijka iyo guud ahaan Bariga Dhexe.
Yeelkeede, waxaa la yaab noqotay in ninkii ugu horreeyay ee magaaladaa ka fura makhaayad halkaa ku taalla ilaa maantadan la joogo waxaa furay oo iska leh nin Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamuud Axmed oo magaaladaa ku leh makhaayadda ugu caansan uguna qadiimisan ee la yiraahdo Somali Restaurant.
Makhaayaddan oo magaaladaa ku taalla muddo nus qarni ah, isla markaana u waayo joogtey isbedellada ballaaran ee magaaladaasi oo mar doqoshyo ahayd soo martay ayaa waxaa barnaamij ka sameeyay hilinka caanka ah ee MBC oo kusoo qaatay Barnaamijka Todobaadka ee hoos ka daawo.
Hadalsame Media