(Kismaayo) 05 Jan 2019 – Waxaa si xowli ah oo aan lixdii sanno ee la soo dhaafay hore loo arkin uga socda Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose abaabul ciidan oo xoog leh kaasoo ay wadaan madaxda sare ee Maamulka Jubbaland.
Madaxwayneha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo loo yaqaano Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xoog iyo xoolaba uu markaan isugu geeyay sidii uu u abaabuli lahaa ciidamo fara badan oo sida uu fahansan yahay warsidaha Hadalsame Media la doonayo inay dagaalo ka ridaan gobolka Jubbada dhexe.
Jubbada dhexe waxaa gabi ahaanba maamula ururka Al-Shabaab, waxaana hadda socda qorshe ballaaran oo ay wadaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika kaasoo la doonayo in guluf colaadeed lagu qaado gobolkaasi si Al-Shabaab looga saaro.
Hase ahaatee waxaa Gulufkaasi barbar socda qorshe kale oo hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ku doonayo in saameyn muuqato ciidamadiisu ku yeeshaan Howgalkaasi. Waxaa Maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Kismaayo shirar hoose oo ay yeesheen hoggaamiyaasha sarsare ee Jubbaland waxayna iyadoonba la gaarin gobolkii Jubbada dhexe sii magacaabeen Guddoomiyaha gobolka Jubbada dhexe.
Magacaabista oo sidoo kale ay garab socotay magacaabista taliyaha Ciidamada Jubbaland ee Jubbada dhexe ayaa waxay banaanka soo dhigtay in Qorshaha Madaxda Maamulka uu yahay “Yaan lagaaga hormarin Dullaanka soo fool leh,”. Madaxda Jubbaland oo lix sanno ku dhawaad maamulayay Kismaayo ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilmeen xoreynta deegaanada maamulkaasi gaar ahaan gobolka Jubbada dhexe.
Si kale haddii loo dhigo, waxaa liita xiriirka dowladda dhexe iyo madaxda Jubbaland waxaana sidaas darteed dowladda dhexe doonaysaa in ciidamada Millatariga ay galaan gobolkaasi halka maamulka Jubbaland doonayo inuu ka hortago in ciidamada Federaalka awood buuxda ku yeeshaan gobolkaasi.
Jubbaland waxaa magaalo madax u ah Buaalle oo ka tirsan Jubbada dhexe waana sababta Madaxda Jubbaland uga walaacsan yihiin saameynta ay ku yeelan karto haddii dowladda dhexe Ciidamadeedu qabtaan Magaaladaasi.
Dhinaca kale waxaa abaabul xoog leh uu isna ka socdaa Magaalooyinka gobolka Gedo halkaasi oo Millatariga Soomaaliya ka wado diyaargarowgii ugu dambeeyay oo ciidamada loogu diyaarinayo Gulufka Jubbada dhexe.
Waxaan shaki ku jirin in gobolka Jubbada dhexe noqon doono meel ay si ba’an ugu loo lamaan ciidamo kala ujeedo ah haddii aan la mideynin taasoo ku imaan karta in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland la yimaadaan qorshe siyaasadeed oo mid ah kahor howlgalka.
Hadalsame Media