WAR CUSUB: Maraykanka oo beeniyay wararka sheegaya inuu yareynayo howlgallada Millatari ee uu ka wado Soomaaliya

0

(Washington) 05 Jan 2019 – Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa goor dhow oo maanta ah shaaca ka qaaday inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inay yareynayso howlgaladeeda Millatari ee Soomaaliya kuwaas oo lala eegto ururka Al-Shabaab.

Saacadihii hore ee saakay waxaa soo baxay warar sheegayay in Maraykanku dhimayo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya islamarkaana sidoo kale hoos u dhigayo weerarada cirka ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka haweenayda la yiraahdo Candice Tresch ayaa tiri” Waxba iskaba bedelin Siyaasadda Maraykanka ee howlgalada Soomaaliya, waana sii wadaynaa taageerada aan siino dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu cuuryaaminayo Kooxda Al-Shabaab,”

Warbaahinta NBC News, ayaa Jimcadii shalay sheegtay in Maraykanku dib u gurasho ka sameynayo xawaarihii ay ku socdeen howlagadiisii Soomaaliya sida in la yareynayo howlgaladii Millatari iyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sare u qaaday weerarada cirka ah ee ka dhanka ururka Al-Shabaab labadii sanno ee ugu dambeeyay waxaana Soomaaliya ka jooga qiyaastii 500 askari kuwaas oo taageero siiya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media