(Tehraan) 05 Jan 2019 – Wadaad Iiraani ah ayaa u mahad celiyey Ilhaan Cumar oo ku dhaaratay kitaabka Qur’aanka markii ay gashay Aqalka Wakiillada, sida uu u sheegay Abna News Agency.
Wadaadka wayn ee Ayatollah Lotfollah Safi Golpaygani, oo ah wadaad shiici ah oo ku nool dalkiisa Iiraan ayaa Ilhaan hawada u mariyay farriin u dhigan sidatan:
Magaca Ilaahay ee naxariis gaar ah iyo mid guudba naxariista.
Marwo. Ilhaan Cumar, Wakiilka Gobolka Minnesota
Grand Ayatollah Lotfollah Safi Golpaygani, wuxuu kuugu hambalyaynayaa gelitaanka Aqalka Wakiillada iyo ku dhaarashada Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
Waxay ku dhaarashada Qur’aanku muujinaysaa xikmad wayn iyo xushmad sare oo aad u hayso kitaabkan barakaysan iyo aayaadkiisa munasalka ah. Sharaf bay u tahay mujtamaca Muslimiinta ah ee halkaa ku nool in caalamka u muujiyaan sida ay ugu dheggan yihiin kitaabkooda, waayo Qur’aanku wuxuu xorayn ku aaddan cadaalad darrada, tacaddiga iyo dulmiga u yahay caalamka oo idil.
Xafiiska Grand Ayatollah Lotfollah Safi Golpaygani
Hadalsame Media