Tifaftiraha wargays Carbeed oo caan ah oo Somalia aad ugu amaanay dhowr arrimood

0

(Dooxa) 05 Jan 2019 – Tifaftiraha warqaadka caanka ka ah dhulalka Carbeed ee Al Sharq, Jaabir Al Harami ayaa amaanka kala dul dhacay shacabka Soomaaliyeed.

Al Xarami oo muddo dheer ahaa tifaftiraha guud ee warsidahan ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka kusoo qoray sidatan:

SOMALIA; Karaamada iyo madax bannaanidu waxay leeyihiin khad cas …
80 milyan oo doollar ayay ka diidey # Saudi Arabia si ay xiriirka ugu jaraan # Qatar ..
Iyagoo iska diidey cadaadiska # UAE kana soo eryey DP World # Dubai ..
Waxay diidey xera taraarka ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobey waana eryeen.
Ku noolaanshaha sharaf, xitaa haddii aad baahan tahay, ayaa ka fiican adigoo dheregsan balse aan karaamo lahayn.
# Somalia – Waxay cayrisey ergayga QM.

Hadalsame Media