Kooxaha Man United, AC Milan & Bayern Munich oo isku haysta Yannick Carrasco

0

(Beijing) 05 Jan 2019 – Yannick Carrasco ayaa sida lasoo werinayo kooxda Dalian Yifang waydiistey inay fasaxdo, balse AC Milan oo ahayd kooxdii xiisaynaysay ayaa waxaa haatan kula dheggan Manchester United iyo Bayern Munich.

Laacibkan 25-jirka ah ee reer Belgium ayaa sanadkii hore uun kasoo tegey kooxda Atletico Madrid oo uu uga bayray dhanka China iyadoo lagu iibsadey €30m.

Yeelkeede, wuxuu rumaysan yahay inuu haatan tebayo kubaddii Yurub wuxuuna kooxdiisa ka codsaday inay fasaxaan. Milan oo horraanba xiiseheeda bandhigtay ayaa se waxaa haatan ku haysta camaaliqooyinka Manchester United iyo Bayern Munich oo xaaladda qiimaynaya.

Carasco oo garab weerar ah ayaa u soo dheeley kooxaha Genk, Monaco iyo Atletico Madrid.

Hadalsame Media