In aad MAYA dhihi karto waa muhim (Somalia waa is muujisay)

0


(Hadalsame) 05 Jan 2019 – In aad maya dhihi karto waxay kamid tahay in aad tahay qof jira, marka waxyaabaha qaar ee aan kuu cuntamin aad diido waxaad noqoneysaa qof waxna diidi kara waxna ogolaan kara, oo la xushmeeyo lagana baqo.

Yeelkeede, 27-kii sano ee la soo dhaafay, ayay caalamku nagu barteen in madaxda Somalia aysan doorasho laheyn oo aysan waxba diidi karin waxna ogolaan karin, waana mida keenatay faragelinta qaawan ee dalal badan oo caalamka ihi ay Somalia ku hayaan.

Laakin, maanta dalal badan waxay ogaanayaan in ay Somalia leedahay hoggaan waxna diidi kara waxna ogolaan kara, taas oo wax badan ka badaleeysa qaabkii markii hore naloola dhaqmi jiray.

Mid kale oo muhim ahina waxay tahay, haddii xataa aad mucaarad ku tahay dowladda hada jirta, waa in ay kuu kala saarnaadaan dalka oo ah mid naga wada dhaxeeya iyo kala fikir duwanaashaha madaxda hoggaanka dalka haysa, markaasi yaysan isaga kaaya khaldamin dalka iyo shaqsi ama qabiil. Wabilaahi towfiiq.

Waxaa Qoray: Xasan Muuse Sabriye

Hadalsame Media