DAAWO: ”Waxay ahayd inay Ilhaan BAYBALKA ku dhaarato!” – Muxaafidka Maraykanka oo afka furtay!

0

(Washington, DC) 05 Jan 2019 – Waxaa xilalkooda loo dhaariyay xubnaha cusub ee aqlabiyadda iminka kula wareegey Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka, kuwaasoo ay ku jirto gabadhii ugu horreeysey ee Soomaaliyeed ee abid halkaa gasha.

Ha yeeshee, kooxaha muxaafidka ah ayaa muran badan ka keenay arrimo ay ka mid yihiin sharciga loo bedeley madax daboolka Ilhaan Cumar iyo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo lagu dhaariyey.

Waxaa dadka dhaleeceeyay ka mid ah Ted Crockett, Afhayeenka Ololaha Roy Moore oo ku dooday in ay khasab tahay inuu Baybalka ku dhaarto qofkii xil ka qabanaya Maraykanka. Dadkan ayaa ku doodaya inay tani jideeynayso in Muslimiin badani u hawoodaan inay xilal sare ka qabtaan Maraykanka. ”Ma nihin jamhuuriyad Muslim ah!” ayay ku doodeen.

Halkan ka DAAWO….

Thomas Jefferson oo ka mid ahaa raggii aasaasay Maraykanka, isla markaana ka mid ah madaxwaynayaashiii Maraykanka soo maray ayaa la sheegay inuu haysan jirey Kitaab Qur’aan ah oo uu dersi jirey, waana ninka aadka ugu ololeeyay in xeerka 1-aad laga dhigo 10-ka Amendment ee ugu aasaasisan Dastuurka Federaalka ah ee Maraykanka.

Keith Ellison, oo ka socdey isla gobolka Minnesota ee ay haatan meteleeyso Ilhaan Cumar ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee gala Koongarayska Maraykanka ee kitaabka Qur’aanka ku dhaarta.

Hadalsame Media