DAAWO: Wasiir Dibadeedka Qadar oo amaanay sida ay wax u wadaan madaxda sare ee DF Somalia

0

(Dooxa) 05 Jan 2019 – Wasiir Dibadeedka dalkaasi Qadar, Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thaani, ayaa amaan kala dul dhacay madaxda sare ee dowladda haatan jirta ee Somalia.

”Marka aad eegto labadii sanadood ee lasoo dhaafay waxaa jira hoggaan iyo go’aaan lagu beddelayo xaaladda Somalia, sida nabad loosoo dabbaalo oo horumar loo hirgeliyo, MW Farmaajo iyo RW Khayrre waxay la yimaadeen aragti cusub oo ay dib ugu habaynayaan dalkooda, xitaa dib u dhisidda raasumaalka dadka sida in lasoo jiito qurba joogta hibada leh ee Soomaaliyeed ee dibedda ku nool si gacan uga gaystaan horumarka dhaqaale ee dalka.” ayuu yiri Al Thaani.

Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani wuxuu xubin ka yahay qoyska reer Al Thani, ee maamula dalkaasi Qadar, wuxuuna isku hayey xilalka RW Xigeenka iyo Wasiir Dibadeedka dalkaasi, tan iyo 27-kii Jannaayo 2016.

Hadalsame Media