(Riyaad) 05 Jan 2019 – Dayrtii dhowayd, waxay dunida oo yaabbani daawatay saraakiisha Sucuudiga oo marba qiil keenaya si ay u qariyaan khaarajintii qoraagii ka tirsanaa Washington Post ee Jamaal Khashuuqji, taasoo sidii ay marba weji cusub ugu yeelayeen markii dambe ku dhamaatay inay in badan qirtaan wixii dhacay, qirashaduna kuma iman rabitaankooda ee ma jirin dookh kale maadaama ay jireen caddaymo ku jirey gacmo 3-aad. Waxaa xitaa markii dambe soo daahirtay inuu dilka si toos ah u amray MBS.
Dad badan baa arrintaa darteed ku nacay Sucuudiga, waxaana ka mid ah maadyahanka Maraykanka ah ee Hasan Minhaj, kaasoo nidaamka Sucuudiga aad ugu karbaashey barnaamijkiisa Netflix ee Patriot Act with Hasan Minhaj.
“Tani waa sheekadii loogu qariska badnaa, tan iyo markii uu Blake Shelton ku guulaystey abaalmarinta ninka ugu jir qurxoon ee weli nool,” ayuu Minhaj kula kaftamay daawatada bandhiggiisa.
Yeelkeede, dowladda Sucuudigu kuma jirto kuwa kaftankiisa ku qoslaya. Todobaadkii tegey waxay Netflix ku amreen inay hilinkooda ka saaraan barnaamijkaas qaybtiisa laga daawanayo dalkaasi.
Sida uu ku dhigan Financial Times oo arrintan wax ka qoray, Sucuudiga ayaa ku marmarsooday inay mamnuuc tahay “soo saarista, diyaarinta, tebinta iyo kaydinta waxyaabo ka hor imanaya nidaamka iyo degananaanta umadda, qiyamka diinta, anshaxa dadwaynaha iyo khusuusiyaadka ee lasoo marinayo hilinnada wararka.
Hadalsame Media