(Hadalsame) 04 Jan 2019 – Guud ahaan waxaa la oran karaa haddii aannu Soomaali nahay waxaan siyaasadda oo idil u fahamsannahay qaab geddis geddis ah oo aad u jaha wareersan, laakiin waa noo ‘siyaasad”! Miyaa? Haye.
Dad baa yiraahda Soomaalidu ”waa wada siyaasiyiin”, haka yaabin, taasina waa fikrad kale oo khaldan, wada siyaasiyiin ma nihine waxaan jecel nahay inaan ka hadalno wax la yiraahdo siyaasad oo aan magacaa uun ka hayno, marka aad dhegeysato doodaha lagu tilmaamayo in siyaasad looga doodayana waxay 90% salka ku hayaan qabyaalad keenaysa qof la iska jeclaaday iyo qof la iska nacay, dan sidaas oo kale ah iyo qofkii xitaa moowqif iyo mabda’ wax ku taageeraya oo khaanadahaa si iska sii diyaarsan loogu kala rido.
Tusaale ahaan, qaybtan aannu ku eegno 3-dan magac oo aannu mid mid u kala qaadno:
MUXAAFID IDMAN
Erayga Muxaafid (Conservative) markii siyaasad ahaan loo dhilo wuxuu koow ka yahay tibxaha aannu khaladka ka fahamney, waayo muxaafid waxaa siyaasad ahaan la yiraahdaa qofka asal raaca ah ee ay dhanka wadaniyadda u janjeera isla markaana ku dheggan in aan laga tegin hab nololeedkii hore isla markaana aan la dhacsanayn nooca Liberaalka ah, waloow beryihii dambe uu tadawur ku dhacayay oo ay soo baxayeen Muxaafid Liberaal ah iwm, yeelkeede, marna Muxaafid ma aha sida aannu u fahamsan nahay ee ah inuu yahay ciddii markaa xilka haysa. Waa se dhici kartaa mar uu xisbi Muxaafid ihi xilka hayo sida haatanba ka jirta Talyaaniga, UK iyo Maraykanka.
SIDA SOOMAALIDU U TAQAANNO: Haddii aannu xitaa u dhigno sida ay Soomaalidu u taqaanno, Muxaafidnimadu ma aha inaad iska taageerto wax kasta oo ay dowladdu samayso ama soo jeediso, waa inaad leedahay halbeeg aad ugu raaci karto ama wax ugu diidi karto.
Waxaan la yaabay jawaab ka timid mid ka faallaynayay wiil si khalad ah lagu xirey war laga sameeyay, mid baa madashii wada hadalka ka yiri: ”Hebelka xirey iyo wiilka la xirey waa isku qabiil e maxaa idinka galay?” Waa arrin kale oo aan maalin gaar uga hadli doono, oo muujinayso fahamka ku dhisan in qof iyo dowlad la isku khaldo, balse misna waxay keentaa taageerid iyo mucaaradad idman haddii uu qofka dowladda qof u yaqaanno ee uusan hay’ad ahaan u arag.
Dabcan way jiri karaan, marar aad taageeri karto iyagoo kula khaldan, waa se haddii ay jirtaa sabab uu khaladkoodu u dhaamo ama uga roon yahay ikhtiyaarka kale ee la heli karo.
MUCAARADADDA SOOMAALIDA
Mucaaradadda Soomaalidu waxay qaar badani u fahmeen in laga saleeyo nacaybka iyo jacaylka aad u qabto qofka aad go’aankiisa mucaaradayso, balse in badan wax falanqayn ah laguma sameeyo go’aanka naftiisa iyo noociisa.
Waxaa intaa dheer mucaaradka Soomaalidu intaa wax bay ku baaqayaan in la soxo, yeelkeede, kama fikiraan inta uu isagu saxan yahay qofka wax saxayaa, isla markaana arki maysid iyagoo keenaya hindisayaal BTXKH ah oo wax dhisi kara, balse wax bay diiddan yihiin waana intaa uun. Waxaa dheer mucaaraddoodu ma laha fal-curin ee waa uun fal-celin ay soo tuuraan jawaabo u muuqda kuwo isu eg misna taban.
MUKHAALIFO AMA MAKHAALIFO
Waa nooca ay u badan tahay mucaaradadda siyaasadda Soomaalidu, waxay ku salaysan tahay in la khilaafo wax kasta oo ay dowladda markaa xilka haysaa ku baaqdo, isla markaana lala safto cid kasta oo ay is hayaan, waxay doonaan ha ahaadeen, xitaa dalal ka mid ah kuwa ay qolada wax khilaafaysaa ku baaqdo inay yihiin ”cadow Soomaaliyeed” marka ay dowladda isla hayaan, waxay isu bedelayaan ”saaxiib Soomaaliyeed” marka ay dowladda is khilaafsan yihiin.
Tusaale nool waxaa ah, berigii ay dowladda iminka jirtaa diiddey inay la safato Sucuudiga iyo Imaaraatka dhanka khilaafkii Khaliijka, rag badan oo dowladda go’aankaa ku dhaliilay iyagoo sheegaya inuu dalkaasi yahay lama huraan ay khasab tahay in si ruuxi ah loola safto, ayaa misna ka hor jeestey go’aan ay dowladdu ku taageertay beri dambe oo ay is qabteen Sucuudiga iyo Canada, waloow aan lafteeydu go’aankaa dambe ku khilaafay dowladda, ugu yaraan warkaygu isma burrin.
Marka aad caadiyan fiirsato go’aamada beryahan iska soo daba dhacaya ee lagu sheegayo in lagu taageerayo Nicholas Haysom oo u muuqda kuwo muujinaya sida aynaan u fahamsanayn hannaanka siyaasiga ah maadaama aan xildhibaan iyo gobol gaar ihi go’aanba ku lahayn arrintaas oo sax iyo khaladba ah arrin u dhowran dowladda dhexe, misna waxaad ka fahmaysaa inay go’aamadaa diidmada ihi ku dhisan yihiin mukhaalifo oo qura, balse aanu jirin mabda’ iyo nuxur ka dambeeya oo warka lagu caddeeyay, marka laga reebo ”way ku khaldan tahay iyo annagu waa taageersan nahay”.
Gebagebadii, waloow ay xaq tahay in dowladda la mucaarado oo lagu dhaliilo wixii khalad ah ee ay ku tillaabsato, misna sax ma aha qaabka aannu u wajahayno mucaaradadda, aragtiyaha aannu ku dhisayno iyo gebi ahaanba sida ay dad badani u fahmeen siyaasadda, waana arrin haddii aysan saxmin aan muddo dheer iska daba wareegi doonno.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media