(Garoowe) 04 Jan 2018 – Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ku gacan sayray soo jeedintii Isimada Puntland isagoo ku celiyey go’aankii ahaa inaysan degaanka Puntland cag soo dhigi karin madaxda ka socota DFS.
War saxaafadeed kasoo baxay dhanka maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in uu sidiisii u taagan yahay go’aankii hore ee ay ku suntanayd Wasaaradda Amaanka Puntland.
Puntland ayaa sheegtay inay jiraan wax ay ku tilmaantay ”koox” oo sida ay u dhigtay ”khalkhal gelinaya xasilloonida iyo habsami u socodka” Doorashooyinka Guddoonka Baarlamanka iyo midka Madaxtinnimada Puntland oo iyadu qabsoomaysa 8-da Jannaayo.
Maadaama ay haatanba Garoowe joogaan xubno ka tirsan DF lama fahmi karo cidda gaarka ah ee uu go’aankani ku ligan yahay iyo waxa loola jeedo ”kooxda” ku xusan war saxaafadeedkan dambe.

Hadalsame Media