Bulshada Rayidka oo War Murtiyeed ka soo saartey Xaaladda dalka

0

(Muqdisho) 03 Jan 2019 – War-Murtiyeed: kulan ay yeesheen xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Xirfadleeyda ee ku mideysan Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOCENSA, waxa ay ka walaacsanyihiin xaaladaha ku gadaaman xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafyada ka dhex jira Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada & wada shaqayn la’aanta Dowlada Federaalka iyo Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay(UNSOM).

Dallada oo ka duulaysa ixtiraamida madax banaanida iyo karaamada Dalka , una kuurgalaysa saamaynta ay keeni karto khilaaf iyo jahwareer saamayn ku yeealan kara dhismaha, xasiloonida iyo horumarka Dalaka.
Dalladu , waxa ay adkeyneysaa, soona jeedinaysaa talooyinkaan hoos ku xusan;

• Iyadoo Dalku hiigsanaayo horumar, waxaa laga maarmaan ah in khilaafyada siyaaseed ee wax u dhimi kara xasiloonida iyo horumarka dalka lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham

• Bulshada rayidka ah waxaa ay aaminsantahay in ay yaraanayaan fursadaha muwadiniinta Soomaaliyeed ku cabiri karaan fikradahooda si xor ah, waxa ayna u arkaan in ay waajib tahay in la balaariyo fursadahaas si ka qayb galka dhismaha wadanka uga qaataan kaalin fir fircoon.

• Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada Dalka waa in ay ixtiraamaan saraynta sharciga, xuquuqul insaanka iyo xoriyaadkaa muwaadininta Soomaaliyeed, ayna soo dhaweeyaan aragtiyada iyo dhaliilaha wax dhisaya.

• Dowlada Federaalka, Maamul Gobaleedyada iyo Mucaaradka aan hubeysanayn , waxaa waajib ku ah in ay la yimaadaan nidaam horseedaya xasilooni siyaadeed oo ku dhisan dulqaad iyo isla xisaabtan.

• Bulshada rayidka ah waxa ay u argataa laga maarmaan in la magacaabo guddi madax bannaan oo soo baara tacadiyada lidka ku ah xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay Baydhabo iyo Baardheere, lalana xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay

• Ugu dambeyntii Dalladdu waxa ay usoo jeedinaysaa Maamul Gobleedyada Dalka in ay ixtiraamaan madax banaanida iyo karaamada Dalka iyaga oo dhowaraya Dastuurka iyo shruucda kale ee Dalka u yaala. Dhammaad

Hadalsame Media