Howlgallo Millatari oo ka bilowday gobolka Shabeellada Hoose

0

(Qoryooley) 02 Jan 2019 – Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaan degmada Qoryooley ayaa sheegaya in halkaasi ay saaka ka socdaan dhaqdhaaqyo Millatari oo ay wadaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Howlgaladaan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay soo wajahday cabsi xooggan oo ka dhalatay dhaqaaqyadaan Millatari

Dhinaca kale Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay wadaan diyaar garow ay ugu jiraan kahor taga howlgalada Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media