Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay sababta ay u cayrisey ergayga QM, Nicholas Haysom

0

(Muqdisho) 02 Jan 2019 – Wasiirka arrimaha dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyay war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaasoo dalka looga Eryay wakiilka gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom

Mr. Cawad oo la hadlayay BBC ayaa sheeegay in Nicholas Haysom  uu Soomaaliya ka galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isagu uu maamullo ama ka tallo qaata.

“Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, waxa uuna u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranimmada iyo madax-bannaanida Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Cawad.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo deg deg.

Waxay ka dambeysay, kadib markii Wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu ka dalbaday wasiirka amniga gudaha Soomaaliya inuu ka soo jawaabo dhowr su’aalood xarigii Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Hadalsame Media