”Dowladda Somalia waa sida ninkii cagaha la’aa ee cararka ku baaqayey!”

0

(Hadalsame) 02 Jan 2019 – Dowladdu iyadaaba cadaw isugu filan, waayo marba furin cusub bay isku furaysaa! Ninkii curyaanka ahaa ee yidhi aynu orodno ayay metelaysaa marka aad eegto lugaha booca ah ee ay ku taagan tahay iyo awoodda ay is bidayso.

Ma aynu gaadhin baan is leeyahay xilligii aynu u babac dhigi lahayn dunida, waxaynu joognaa sebenkii aynu indhaha caalamka u soo jeedin lahayn dalka, ee aynu soo sasabi lahayn dunida una soo dhaweyn safaaradaha iyo dowladaha dunids si wadanku ula jaanqaado qarniga.
Maaha wakhtigii dunida laga eryi lahaa dalka lagana irdheyn lahaa.

Midda kale anigu uma doodayo ninkan UN-ta ah ee la eryay haddii ba uu gefaye, jid kale oo dibloomaasiyadeed miyaa la waayay? Mise su’aalaha ayaa adkaaday? Soomaaliyase ma waxay ugu horreysaa wadamada dunidu waydiiso wax sharci darro loo arkay oo gudaha wadankaa ka dhacay?.

Dadka la sheegey in Baydhabo lagu laayay ee muwaadiniinta ah majiraan? Miyuu ka been abuuray?ma tiradooduu badiyay ergaygu mise waa la qarinayay ee wuu fashiliyay?.

Nolosha muwaadinku waa muhiim, waana inuu xorriyad aragtidiisa ku cabbiraa. War xataa ciidamadii katirsanaa xooga dalka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ilaaladiisa ahaa naftoodu qiimo ayay qaranka ku lahayd, Waxba kama galin iyaga waxa is haysta, welina dowladda oo ka hadlaysa ma arag.

War in la wayneeyo nafta iyo ruuxda muwaadinka waa muhiim muhiim muhiim, waayo waa qaali.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media