Weeraro MINDIYO loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada London (Faahfaahin)

0

(London) 31 Dis 2018 – Ugu yaraan 39 ruux ayaa loo xiray maanta oo Isniin ah kadib weeraro loo adeegsaday Mindiyo oo ka dhacay Galbeedka Magaalada London, waxaana Boolisku sheegeen inay socdaan baaritaano xowli ah oo lagu oggaanayo fal dambiyeedyadaasi la isku dayay.

Nin da’aadisa lagu sheegay 30 sanno jir ayaa loola cararay Isbitaalka waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah kadib markii weerarkaan oo Kooxo aan la qoon ay gaysteen uu ka dhacay Qasriga wadada Fulham ee xaafadda Hammersmith, sida ay sheegeen hay’addaha Booliska.

Dadka laga shakiyay ayaa laga soo qabqabtay goobo ku yaala meesha weerarku ka dhacay waxaana qaar kood dadkaasi loo qaaday xarumaha Booliska, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Booliska Magaalada London. Dhowr qof ayaa la sheegay in lagu eryaday Tooreeyo hase ahaatee ay ka baxsadeen.

Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weeraradaan loo adeegsaday Mindiyaha.

Hadalsame Media