(Muqdisho) 31 Dis 2018 – Goobjoogayaal ku sugan degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Hadalsame Media in rag ku hubeysan Bastoolado ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Millatariga Soomaaliya.
Dilkaan oo dhacay saakay waqti hore ayaa la sheegay in kooxahii gaystay ay goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada amaanka oo baaritaano ka sameeyay.
Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Gaashaanle dhexe Cabdi Maxamed Culusow waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, mana aysan la socon wax illaalo ah xiliga la dilayay.
Dilalka nuucaan ah ayaa joogta ka noqday Muqdisho waxaana aalaaba sheegta ururada Al-Shabaab iyo Daacish.
Hadalsame Media