(Gothenburg) 31 Dis 2018 – Waxay ahayd Axad, Agoosto 21, 2016, wuxuu Yuusuf Warsame oo 8-jir ahaa fasax ku yimid magaalada Gothenburg, iyadoo ay wehlinayeen hooyadii Deeqa, walaashii Caa’isha oo 10-jir ah iyo walaalaha Axmed, 6-jir, Ibraahiim, 15 iyo Cabdiraxmaan oo 16-jir ah, waxay u yimaadeen qaraaba salaan.
Sida lagu qoray Aftonbladet, Yuusuf yare wuxuu si dhaqse u helay meelo ka badan kana fiican halkii uu u ciyaari jirey marka uu joogo magaalada uu ka yimid ee Birmingham, UK. Maalin kasta wuxuu qoyskiisa u sheegayay inuu meel hor leh ku ciyaarayo maanta.
Bishii Agoosto 21, Yuusuf Yare iyo qoyskiisu waxay ka tageen gurigii ay ka deganaayeen degaanka Biskopsgården si ay usoo daawadaan quruxda dabiiciga ah ee Svarte Mosse on Hisingen. Hooyo Deeqa waxay carruurteeda maalintaa ka qaadday sawirro fara badan, waxaana sawirrada ka muuqanaya farxad, qosol badan iyo Yuusuf Yare oo dheelaya walaalihii.
”Yuusuf wuxuu i waydiiyay, “Hooyo, fadlan berri soow ma noqonayo? Dabcan haa, ayaan ku iri” ayay tiri hooyo Deeqa Biixi.
Nasiib xumo, 9 saacadood kaddib, Yuusuf Yare wuxuu ku dhintay bambo gacmeed lagu tuuray gurigii uu sida KMG ah fasaxa iyo qaraaba salaanka u yimid.
Waxay ahayd 3-dii xibinka dambe markii ay reerku ku tooseen jug wayn, bilowgii lama fahmin, balse markii cid kasta la toosiyay waxaan abid soo toosin Yuusuf Yare. ”Madaxiisu wuu kala fuqay gebi ahaanba” ayay tiri walaashii Caa’isha. Hooyo Deeqa ayaa sheegtay inay weli dareemayso xanuunka dhacdadaa murugada badan.
Halkan ka arag sheekada oo dhan iyo sawirrada…
Hadalsame Media