Qarax culus oo ka dhacay dalka Ruushka. 3 ruux ayaa dhintay 79 kalena waa la la’yahay

0

(Magnitogorsk ) 31 Dis 2018 – Ugu yaraan sadex ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen halka Nolol iyo Geeri la la’yahay 79 ruux oo kale kadib qarax weyn oo ka dhashay goob uu shidaal yaalay oo ku taala Magaalada Magnitogorsk ee caasimadda dalka Ruushka.

Qeyb ahaan dhismaha ayaa dumay gebi ahaanba waxaana warbaahinta gudaha ay sheegeen in la maqlayo Baroor (Oohin) dad waydiisanaya caawinaad oo laga yaabo inay ku soo hoos jiraan dhismaha burburay.

Waxaa socda gurmad deg deg ah iyadoo ay tahay waqti hore in la helo faahfaahino dheeraad ah. 110 ruux ayaa la aamisanyahay in dhismahaan ay ka howlgalaan sida wararku sheegayaan.

La soco wararkeena dambe, Insha Allaah!

Hadalsame Media