(Garowe) 31 Dis 2018 – Wararka la helayo Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, Soomaaliya ayaa sheegaya inay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu iclaaminayo liiska Xildhibaano goboleedka cusub ee Maamulkaasi.
Xubnaha liiska cusub ee Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo, inkastoo ay macquul tahay in shaacintu dib u dhacdo arrimo farsamo awgood.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka uu ku howlan yahay turxaan bixinta Liiska Golaha Wakiillada Cusub.
Doorsahada hoggaanka Maamulka Puntland ayaa Isha lagu hayaa waxaana ay dhici doontaa sida la qorsheeyay sideeda Bisha Koowaad ee sanadka cusub oo food nagu soo haya.
Hadalsame Media