(Muqdisho) 31 Dis 2018 – Waxaa magaalada Muqdisho laga raray laba bas oo ka mid basas ay Somalia ugu deeqday dowladda Qadar,oo uu guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ugu deeqay Dowladda Hoose ee Garoowe.
Gawaarida ayaa waxaa maanta Muqdisho markab ka saaray Wasiir Xuseen Ciid iyo Xildhibaan Cali Xoosh waxaana loogu talagalay inay ka mid noqdaan gaadiidka Dowlada Hoose ee garoowe.
Wasiir Xuseen Ciid iyo Xildhiban Cali Xoosh ayaa bilihii ugu danbeyay Dadaal ugu jiray sidii uu garoonka Mire Awaare ee Caasimadda Puntland loogu heli lahaa waxyaabo kaabi kara adeeg hufan oo heer caalami ah oo laga helo.
Arrintan ayaa imanaysa jeer ay Puntland dorraad soo saartay go’aan ay ku sheegayso inaysan halkaa tegi karin DF Somalia, balse waxaa shalay shir jaraa’id Garoowe ku qabtay Xil. Faroole oo ka tirsan Aqalka Odayada DF.


Hadalsame Media