KU: CULIMADA: Yaa MUHIIMSAN in hees la joojiyo & DHIIGGA iska daadanaya?

0

(Hadalsame) 31 Dis 2018 – Koofurta Gaalkacyo waxaa bandhig-heeseed ku qaban lahaa fannaanka Khadar Keeyoow, laakiin hanjabaado iyo cagajuglayn badan kaddib waa uu ka cararay hoteelkii uu degganaa. Hadda waxa la sheegayaa in woqooyiga Gaalkacyo uu tagay, laakiin aan looga harin oo wadaadadii koonfurta ka soo eryey iyo kuwa waqooyigu ku dabajiraan.

Gaalkacyo maalin aan qof muslim ah lagu dilin ma jirto, bishii hore koonfurta magaalada waxaa lagu dilay in ka badan 20 qofood ilaa haddana ma arag wadaad magaalada deggan oo ka hadlaya, maamulka meesha ka jiraana hal qof uma soo qaban weerarkaasi dadka badan lagu laayay.

Meel Gaalkacyo 100km uun u jirta 2 maalmood gudohood waxaa ku dhimatay in ka badan 50 qofood ma se arag wadaadada magaalada oo ka hadlaya ama ku baxay joojinta colaadda.

Somalia ama guud ahaanba dhulka Soomaalida waa sidaa oo had iyo goor waxaa caadi ah inay dilal xaqdarro ihi ka dhacaan, Muqdisho ayaa tusaale nool ah, ha yeeshee, lama arko wadaaddo isu kaashaday ama u midoobey inay joojiyaan ama xitaa si muuqata uga hadlaan dhiiggaa daadanaya oo shirkiga kaddib ah dembiga ugu wayn ee uu aadane galo.

Micnaha maqaalkani maaha in qiil loo raadinayo heesta oo la leeyahay ”maxaa laga rabaa qofkii heesahaya?”, laakiin wuxuu daarran yahay in tooshka lagu ifiyo sida ay u khaldan tahay muhiimad siinta wadaadada, waayo dembi ka culusi ma jiro dhiigga qofka Muslimka ah ee la xalaashanayo, weliba si sahal ah, kaasoo ay in badan ku lug leeyihiin kuwo diin u nisbe sheeganaya.

Su’aasha wadaaddadan hortaallaa haddaba waxaa weeye, yaa muhiimsan joojinta daadinta dhiigga dadka iyo joojinta heesaha?!!

Waxaa Qoray: Cali M Diini & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media