(Muqdisho) 30 Dis 2018 – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay cod u qaadaan Miisaaniyad sanadeed dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii la xaliyay khilaaf soo kala dhexgalay hoggaanka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-waxaana Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u aqriyay qodobada qaar oo ku saabsan miisaaniyadeedka ku xusnaa.
Sidoo kale ajendayaasha waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.
Hadalsame Media