”Waa ka baxay Xisbiga Nabadda & Horumarka!” – Cabdullaahi M Nuur

0

(Muqdisho) 30 Dis 2018 – Xildhibaanka Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamananka Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga baxay Xisbiga UPD.

Nuur ayaa boggiisa kusoo qoray sidatan: “BISMILAAHI, Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) sababa aniga ii gaar ah oo aanan halkaan ku xusi karin.

Wuxuu intaa ku daray: “”Waxaana u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan usoo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan.”

Kaddib ka bixitaanka Xisbiga UPD oo uu geed fadhi u yahay Xasan Sh. Maxamuud, lama oga sababta uu uga baxay, tillaabada xigta ee uu qaadi doono, inuu xisbi kale ku biirayo, inuu mid hor leh samaysanayo iyo in kale.

Hadalsame Media